DHAGEYSO+SAWIRRO:- Banaanbax looga soo horjeedo weerarkii Masaajidka Nabiga oo Muqdisho ka dhacay

0

Banaanbax ballaaran ayaa maanta oo Isniin ah waxaa lagu qabtay Barxada Masaajidka Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay isugu yimaadeen boqolaal Dadweyne ah.

Dadka Banaanbaxan soo qaban qaabiyay oo ahaayeen Culimada Somaliyed, ayaa waxaa ujeedka Banaanbaxooda uu ahaa inay muujiyaan sida ay kaga xun yihiin weerarkii lagu qaaday Masaajidka Nabiga NNKH.

[Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Somaliya ayaa ka qaybgalay Banaanbaxaasi, waxaana ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culimo ka mid ah kuwa Muqdisho.

Dadka banaan baxa ka qeyb galay ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin ereyo lagu amaanayo Nabigeena Muxamed NNKH iyo guud ahaan ahmiyadda ay leedahaya ilaalinta goobaha xurmadda leh oo ay magaalada Madiina ka mid tahay oo uu ku yaalo masjidka labaad ee ugu barakeysan guud ahaan caalamka.

Sh Nuur Baaruud Gurxan, Sh Yuusuf Cali Ceynte oo ah guddoomiyaha majmaca culimada, Sh Cali Dheer Agaasimaha waaxda Diinta ee Wasaaradda Owqaafta, Sh C/qaadir Soomow iyo culimo kale, ayaa halkaasi hadalo kala duwan ka jeediyay.

Qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa Afartii Bishan wuxuu isku qarxiyay meel ku dhaw Masaajidka Nabiga NNKH ee Magaalada Barakeysan ee Madiina.

Banaanbax Banaanbax 1 Banaanbax 2 Banaanbax 3 Banaanbax 4 Banaanbax 5 Banaanbax 6 Banaanbax 7 Banaanbax 8 Banaanbax 9 Banaanbax 10 Banaanbax 11 Banaanbax 12 Banaanbax 13 Banaanbax 14 Banaanbax 15 Banaanbax 16

Banaanbax ballaaran ayaa maanta oo Isniin ah waxaa lagu qabtay Barxada Masaajidka Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay isugu yimaadeen boqolaal Dadweyne ah.

Dadka Banaanbaxan soo qaban qaabiyay oo ahaayeen Culimada Somaliyed, ayaa waxaa ujeedka Banaanbaxooda uu ahaa inay muujiyaan sida ay kaga xun yihiin weerarkii lagu qaaday Masaajidka Nabiga NNKH.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Somaliya ayaa ka qaybgalay Banaanbaxaasi, waxaana ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culimo ka mid ah kuwa Muqdisho.