Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Bashiir Geedi oo la hadlay Saxafadda ayaa sheegay in intii lagu guda jiray Dabaaldaga Ciidda ay ka hortageen Weeraro Qorsheysnaa oo Al-shabaab ay doonayeen in ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho dadkana ay ku dhibaateeyaan sida uu hadalka u dhigay.
Bishaar Bishiir Geedi ayaa sheegay in Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya oo iskaashanaya ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan Weeraro Qorsheysam.
“Wey jiraan Dad intii lagu guda jiray ay Al-shabaab si gaadmo ah ku dileen,lkn Ciidamada Ammaanka ayaa dadaal dheeri ah muujiyay oo Fashilyay Weeraro badan oo Al-shabaab ay Qorsheeyeen”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir.
HALKAAN KA DHAGEYSO