DAAWO SAWIRADA:- Madaxweynaha Jubbaland oo Ciidamo gaar ah tababar u soo xiray

0

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta 9 July 2016 waxaa uu tababar usoo xiray Ciidamo katirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Dowlada Jubbaland.

Ciidamadan oo qayb ka noqon doona ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada ayaa indhawaale tababar ku qaadanayay Magaalada Kismaayo iyagoo maanta uu tababarkan usoo xiray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweynahu waxaa uu la hadlay Askarta tababarka qaatay isagoo kula dardaarmay in ay kasoo dhalaalan waajibadka saaran oo shaqadooda si daacadnimo ah ay u gutaan.

“Waxaad ilaalinaysaan muraayadii Jubbaland iyo Madaxdii ugu saraysay ee Dowlada waxaa la idiinka baahan yahay dadaal iyo juhdi dheerad ah” ayuu yiri Madaxweynahu.

Ciidamada ayuu kula dardaarmay in ay ka fogaadan mukhaadaraadka isla markana ay salaada tukadaan oo ay ogaadan in dunidan maalmo kooban ay tahay waxaana uu carabka ku adkeeyay in hawsha u taala ay ku daraan Alle ka cabsi iyo u jajabnaan Bulshada ah.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

111 222 333 444 555 666 777 888 999