Ciidamada Booliska Dowlada Somaliya ayaa Waxaa ay Gacanta Ku dhigtay Rag ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay Qeybo ka mid ah Degmadda Yaaqshiid Ee Gobolka Banaadir.
Raggan Shabaabka ah ayaa in muddo ah waxaa ku daba jogay raadkoodda ciidamada Amanaaka kuwaas oo ugu dambeyntii soo qabtay Maleeshiyaadkan.
Ciidamada ayaa howlgal gaar ah ka sameeyay Masaajid ku yaal Degmadda Yaaqshiid waxaana ay ka soo heleen hub kala duwan oo ay ku jiraan Bistoolado ciidamadda ay ku sheegeen in dilal lagu fuliyay.
Taliyaha Booliska Saldhigga Yaaqshiid Gaashanle Dhexe Maxamed Yuusuf Nuur, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada oo ku socday xogo ay bulshada ka heleen ay howlgal ka fuliyeen masjidka.
Hubka ayaa Masaajidka waxaa looga qariyay Dhanka Minaaradda waxaana ay ciidamadu Bistooladdaha iyo Raga ay soo qabteen u soo bandhigeen Saxaafadda.