Wararka Saaka laga helayo Degaanka Cara-tuurka oo u dhexeeya Godinlabe iyo Mareergur ayaa sheegaya in Ciidadamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca ay isku hor fadhiyaan islamarkaana lagsi qabo inuu Dagaal dhexmaro.
Maamulka Ahlusunna ayaa Halkaa Ciidamo badan geeyay,iyadoo Galmudugna ay Ciidamo badan oo Cadaado ka soo baxay ay soonahaas soo gaareen.
Goobjoogeyaal ayaa noo sheegay in Labada Dhinac ay isku hor fadhiyaan Degaanka Cara-tuurka lagana Cabsi qabo inuu Dagaal Qarxo.
Dhanka kale Wadada isku Xirta Magaalada Cadaado iyo Caabudwaaq ayaaa la sheegay in ay Alhusunna goysay,iyadoo dhankaasna ay ka jirto Ciisadda.
Maamulka Galmudug oo ay Aqoonsan tahay Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer dagaal la galay Maamulka isku Magacaabay Gobolada Dhexe ee Ahlusunna,waxaana Khaasaraha ugu badan uu soo gaaraa Dadka rayidka ah ee lagu dul dagaalamay.