Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa saaka salaadda Ciidal Fidriga kula tukaday masjid Jaamac magaalada Hargeysa halkaasoo ay ku tukanayeen boqolaal ruux.
Tukashada salaada ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay wasiiro, wasiiro ku xigeeno, madaxda ciidamada iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tukashada iyo khudbada raacday ka dib halkaasi ka jeediyey ereyo ku saabsan salaanta ciidda, fadliga ay leeyihiin maalmaha ciiddu, farxada ku dheehan iyo duco uu ugu rajeeyey ummadda islaamka wanaag iyo nabadqab.
“Ciid Mubaarak, Ciid Mubaarak, kullu-caam wa-antu bikhayr, Ilaahay sanadka sanadkiisa ha inagu gaadhsiiyo bash-bash, barwaaqo iyo nabad”.ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.
Hoos ka Daawo Sawirada:-





