Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu siidaayay Idaacadda Radio Daljir ee Degaannada Puntland
Radio Daljir,waxaa xiray Wasiirka Warfaafinta Puntland,waxaana ay hawada ka maqneyd 12 Maalmood,intaas kadib ayaannu la xiriirnay xubno ku jira Ururka ay ku mideysan yihiin Suxufiyiinta degaannada Maamulka Puntland waxaana ka mid ah Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP,Saysal Khaliif Barre iyo Agaasimaha Radio Garowe, Axmed Cawil Jaamac.
Guddoomiyah MAP,ayaa sheegay in xiridda Idaacaddu markii horeba Sharci darro ahayd,siideyntuna tahay Sharci darro,waxaana uu sheegay in Labaduba aanay marin Maxkamad,taas oo uu ku tilmaamay in ay muujineyso in aysan jirin Maxkamado la is geeyo marka la is qabto.
Agaasimaha Idaacadda Garoowe,ayaa isna sheegay in aysan Wasiir Max’uud Xasan Soocadda uga hareynin arrintaas,islamarkaana ay la tiigsanayaan Maxkamad,waxaana uu intaa ku daray in haddii sidan looga haro ay dhalin doonto in qofkii la rabo la xirto Maxkamad la’aan lana siidaayo maxkamad la’aan.
HALKAAN KA DHAGEYSO