Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa ciidammada dalalka ay saaxiibada yihiin waxay dhowaan go’aansatey in la dedejiyo hawlgallada Al Shabaab looga saarayo gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Hawlgaladani ayaa qeyb ka ah barnaamijka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka ay ku doonayaan in Al-Shabaab logu saaro guud ahaan dalka sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Bishii June 28 ee sannadka 2016, weerar ay wadajir u fuliyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo waddamada aan saaxiibka nahay ayaa waxaa uu daah-fur u ahaa hawlgalo la doonayo in Al Shabaab looga xorreeyo degaannada Buulo Guduud, Jilib iyo magaalooyinka kale ee ku teedsan webiga Jubba ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidammada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa hawlgaladan ay fulinayaan waxay ka talo geliyeen hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee degaannadaasi, iyagoo ka wadahadley dhibaatooyinka ay Al-Shabaab ku hayaan dadka shacabka ah iyo guushii dhawaan usoo hooyatay Dowlada ka dib markii ay dileen Maxamed Dulyadeyn iyo Macallim Daa’uud oo ka mid ahaa Saraakiisha sare ee Al-Shabaab ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidammada Soomaaliya iyo odayaasha ayaa isla gartey in bulshada ay si buuxda ula shaqeyso laamaha amniga, ayna soo sheegaan wixii dhaqdhaqaaq ah oo ku saabsan Al-Shabaab iyo hadii ay jiraan Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysany\ayo goobaha ay joogaan ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidammada Xoogga Dalka oo kaashanayaa taageerada shacabka ayaa dhowr goobood oo degaannadaasi ka mid ah tagay, iyagoo aan wax khasaare ah soo gaarinna dib ugu soo laabtey fariisimadooda ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.