Warar ay heshay Warbaahinta Kulmiye ayaa sheegaya in Guddoomiyihii Degaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud Qadar Maxamuud Cali uu ka mid ahaa Dad lagu dilay Tuulada Ceel-hareeri oo hoostagta Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in dagaal ka dhacay Saddex Maalin ka hor Tuulada Ceel-hareeri ee Gobolka Galgaduud lagu dilay Guddoomiye Qadar,balse Dhimashadiisa ay hadda soo shaac baxday.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Galgaduud oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay Faah-faahin ka bixiyaan Wararka sheegaya Dilka Guddoomiye Qadar.