War Deg Deg Ah: Qarax Khasaaro Reebay Oo Lala Eegtay Qaar Ka Tirsan Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

0

deg-deg-muhiim19Kismaayo (AGGM): Qarax khasaaro geestay ayaa lala eegtay maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskanbooni ee Magaalada Kismaayo xilli ay marayeen meel udhaw isbitaalka iyo Saldhiga Magaalada Kismaayo.

Nooca qaraxa ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso oo si xoogan Magaalada looga maqlay, maadaama xilliga qaraxa uu dhacaye ay aheyd xilli aroor ah oo badi dadka ay hurdeen jawiga Magaaladana uu ahaa mid degan.

Wariye ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada hoose ayaa soo sheegaya in maleeshiyaadka qaraxa lala eegtay uu soo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Ilaa labo askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Axmed Madoobe ayaa qaraxaasi ku geeriyooday,iyadoo sidoo kale ay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray ciidankii saarnaa gaariga nooca raaxada ah ee qaraxa lala eegtay.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa durba soo gaaray maleeshiyaad kale oo ka tirsan kuwa Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo,gurmad kadib waxa ay bilaabeen baaritaano inay kula dhaqaaqaan xaafadaha ku dhaw goobta qaraxa uu ka dhacay.

Ilaa hada Horjoogeyaasha maleeshiyaadka Axmed Madoobe kama aysan hadlin qaraxan iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Inta udhaxeysa Saldhiga Magaalada Kismaayo iyo isbitaalka guud ee Kismaayo waxaa dhowr mar qarax lagula eegtay maleeshiyo beeleedka Axmed Madoobe iyo kuwa Amisom ee jooga Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com