Dhageyso: Somali Airlines Oo 22 Sano Ka Dib La Shaqo Galinayo

0

tumblr_mevybhVCEi1r9llg7o1_500Muqdisho(AGGM) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in Seddexda Bilood ee ugu dambeeysa sanadkan dib loo howlgelin doono Shirkaddii Duulimaadyada ee aynu laheyn ee Somali Airline ayadoo markalena ay Xukuumaddu ku celisay baaqii ku aadana in dadka deggan xarumaha Shirkadda Somali Airline ay banneeyaan si loogu shaqeeyo.

Wasiirka warfaafinta, Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ayaa ku dhawaaqay in shirkaddii duulimaadyada Somali Airline dib loo howlgelindoono dabayaaqada Sanadkan,  isagoo intaa ku daray in hadda ay diyaar yihiin ilaa iyo Afar diyaaradood  iyo qeyb ka mid ah shaqaalihii ka howlgeli lahaa isagoo hoosta ka xariiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo dhameystiri doono.

‘’Dadaalkaasi meel fiicanbuu ino marahayaa haddaan ku hormaro Somali Airlines ilaa iyo Afar diyaaradood ayaan hadda balanqaad u heysanaa in ay howlgalaan,  waxaan rajeyneynaa sanadkan oon dhamaan inaan howlgelino Somali Airlines sida hadda uu qorshuhu yahay idanka ilaaheey duuliyayaalna wey noo joogaan wadanka oo liiskoodaan helnay’’ Ayuu yiri mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi.

Wasiirka ayaa markale ugu baaqay dadka deggan xarumaha shirkadda Somali Airlines ee Muqdisho iney isaga guuraan si loogu shaqeeyo,  isagoo xusay in wasaarada ay ka go’antahay sidii xarumahaasi dib loogu howlgelin lahaa.

Sidoo kale wasiir Ciilmooge ayaa tilmaamay in dib u howlgelinta shirkadda duulimaadyada ee Somali Airlines ay soo celindoonto heybadii iyo karaamadii ay Soomaaliya ku laheyd duulimaadyada caalamiga ah,  wuxuuna hoosta ka xariiqay in dadaalka ugu badan ay ku bixindoonaan dib u howlgelinta shirkadii Somali Airlinens 22 sano kadib.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/08/DHAGEYSO-WASIIRKA-WARFAAFINTA-OO-KA-HADLAY-SOMALI-AIRLINE.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@hotmail.com