Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu sheegtay masuuliyadda dilkii Magaalada Jowhar loogu gaystay Taliyihii Ciidanka Nabad Suggida ee Gobolka Shabellaha Dhexe, C/weli Ibraahim Maxamed.
War ka soo baxay Al Shabaab oo lagu baahiyay Radio Andalus, ayaa lagu sheegay in askari ka tirsan Guutada Iqtiyaalaadka ee Al Shabaab uu ka dambeeyay dilka Taliyaha.
Warkan waxaa lagu sheegay in hawlgalka lagu dilay Taliyaha uu ahaa mid qorshaysan, ninkii dilka gaystayna ay u suurtagashay in uu ka baxsado goobtii uu ku dilay Taliyaha.
Andalus waxay sidoo kale baahisay in hawlgalkaasi lagu dhaawacay Taliye Ku Xigeenkii Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Dhanka kale waxaa saakay Magaalada Jowhar ka soconaya hawlgal ballaaran oo lagu baadigoobayo ninka dilka gaystay, oo ka tirsanaa askartii ilaalada u ahayd C/weli Ibraahim Maxamed.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, Daa’uud Xaaji Ciiro, ayaa sheegay in dembiilaha uu ku dhex dhuumaaleysanayo Magaalada Jowhar, isla-markaana aanu ka bixi karin Magaalada, sida uu yiri.
Ciiro, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Ciidamada Dowladdu ay soo qaban doonaan dembiilaha, si loo horkeeno cadaaladda, looguna qaado sharciga.