TOP NEWS+SAWIRRO: Guddoomiyihii Hore Ee Gobolka Bari Iyo Ciidamo Uu Wato Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Degmada Carmo, Kalbayr iyo Deegaano U Dhaxeeya Garoowe iyo Boosaaso.

0

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/samad Maxamed Galan iyo ciidamo uu horkacayo ayaa maanta la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Bari, iyadoo ciidankiisa ay aad u hubeysan yihiin.

C/samad Galan ayaa horay uga gadooday Puntland, isagoo ku hanjabay inuu xilka ka tuurayo Madaxweyne C/wali Gaas, waxaana la sheegay in in muddo ah uu ciidamo ku uruursanayay deegaanada Isku-Shuban, Badar Beyla iyo deegaano kale.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada uu hogaaminayo ay gaarayaan illaa 300-400, kuwaasoo aad u hubeysan, waxaana saaka la wareegeen degmada Carmo, Kalbayr iyo deegaano kale oo u dhaxeeya Garowe iyo Boosaaso.

C/samad Galan ayaa wareysi uu siiyay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee ka howl gala Puntland ayaa ku hanjabay inuu dhisi doono Puntland cusub oo cadaalad ku dhisan, waxaana uu sheegay in dadka Puntland uu ka xoreyn doono Maamulka C/wali Gaas.

Waxaa uu sheegay inuu dib ugu soo laaban doono magaalada Boosaaso, isla markaana isaga iyo ciidamadiisa ay ku sugan yihiin inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Garoowe.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka dhanka ah iyo abaabulka uu bilaabay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari.

Isku soo wada duuboo Bishii Febraayo ee sanadkan ayay aheyd markii lagu eedeeyay inuu qaban qaabiyay banaan bax rabshado watay oo ka dhacay Boosaaso, waxaana kadib Ciidamo ka tirsan Puntland ay weerar ku qaadeen gurigiisa, inkastoo uu ka baxsaday.

bari bari1 bari2 bari3

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media