DAAWO: Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka Iyo Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan Oo Si Cad U Qaadacay Gudiga Doorashooyinka.

0

Kulan shalay ay ku yeesheen magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoon-yahanno iyo Odayaal-dhaqameed Waxay uga soo Hor-jeestay Guddiga Doorashada Qaran ee Dhawaan Magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha ayaa shirkooda Jaraa’id ku xusay in dhamaanba ay qaadacayaan habka dowladda Federaalka Somalia u Maamuleyso soo Xulista Xubnaha Gobolka ku matalaya Aqalka sare iyo kan Hoose ee lagu hishiiyay shirarkii ugu danbeeyay madasha-wadda-tashiga Qaran oo sidda ay hadalka u dhigeen ilaa iyo hadda aan wax wadda tashi ah lagala sameyn.

Ugu dambeyn, Shirkan Jaraa’id ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan Madaxweyne Xasan uu soo saaray liiska 22-xubnood oo Noqonaya Guddiga Doorashada Qaran, Waxaana Guddiga Qayb ka ah Xubno ku Metelaya Maamul-gobolleedyada dalka ka jira & Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo mid xubin la siiyay.

 

 

Hoos Ka Daawo