TOP DHAGEYSO:- Xildhibaan sheegay in Maamulka Puntland uusan Shaqo ku laheyn Fasaxa la siiyay Xildhibaanada

0

Xildhibaan Cabdikariim Shaacuur oo lahadlay Radio Garowe ayaa sheegay in baarlamanka Puntland maanta galeen fasax la xidhiidha gudashada bishan Ramadaan maadaama uu gaba-gabo yahay Ramadaanku, isla markaana loo baahan yahay in la cibaadayso.

Shaacuur ayaa sheegay in gabi ahaanba galaan-gal dowladdu ku lahayn saxafa Baarlamanka, isagoona beeniyay warbixino ay qoreen warbaahinta ka howl-gala deegaanadda Puntland kuwooda u afka dheer.

“Arinkasi ilaayo haatan ma mahayn, mana jirto wax cadayna oo aan u hayno dowladduna galaan-gal kuma laha fasaxa Baarlamanka”Ayuu yidhi xildhibaanku.

Xildhibaanka waxaa uu tilmaamay in fasax xilliga la soo laabto uu golahu su’aalo waydiin doonaa xukuumadda hogaankeeda hayo Madaxwayne Gaas, Garsoorka, Shirkada isgaarsiinta iyo weliba cid waliba oo baarlamanku la xisaabtani karo.

HALKAAN KA DHAGEYSO