DAAWO:- Siyaasi Caan ah oo isku soo sharaxay Xilka Ra’isal Wasaaraha Dalka Turkiga

0

Musharaxa Ra’isal Wasaaraha cusub ee dalka Turkiga Bin Cali Yaldaran waa nin aad ugu dhow Madaxweynaha Turkiga  Rajab Dayib Ordagan  waxaana hadal haynta ugu b adan ee dalkaasi Turkiga ay tahay inuu noqon doono R/wasaaraha cusub ee dalkaasi kadib markii uu jagadaaasi iska casilay R/wasaarihii Hore  Daud Oglo oo ay iskhilaafeen Madaxweyne Ordagan.

Waxuu ahaa  Bin Cali Yaldaran  saaxib aad ugu dhow   Madaxweynaha Turkiga Ordagan laga soo bilaabo  markii uu ahaa Duqa magaalada Istanbuul iyo waliba asaaskii  Xisbiga  Cadaalada iyo horumarka Turkiga  sanadkii 2001, isagoo  la Taliye u ahaa Ordagan.

Bin Cali Yaldaram oo iminka u sharaxan  jagada r/wasaaraha Turkiga waxa  uu ku dhashay magaalada Arzinjan ee Turkiga  sanadkii 1955 wuxuu ku takhasusay  Xisaabta iyo Culuunta Bada , isagoo ka qeyb qaatay handasaada iyo dhismaha mashaariic fara badan  ee Isgaarsiinta Badda  ah,taasoo Xukuumadii Rajab Dayib Ordagan ay sumcad weyn ku kasbatay sababtayna inuu ku guulaysto doorashadii sanadkii 2002.

Masu’lkan  u sharaxan xilka R/wasaarnimada Turkiga Bin Cali Yaldaram waxa u Wasiir ka noqday Wasaarada Isgaarsiinta dhamaan xukuumadihii R/wasaarihii hore ee Turkiga Rajab Dayib Ordagan intii  u dhaxeysay sanadihii 2010ka ilaa 2015ka.

Sidoo kale waxa u Bin Cali Yaldaran dejiyay Qorshaha horumarinta  Isgaarsiinta Bada ee Istanbuul,wuxuu dhiira geliyay  Ciidaka Bada ee Turkiga  isagoo  diyaariyay 22 oo ah Gadiidka Badda gala,22 Dekadood, 4 Markab waaweyn oo isaga goosha magaalada Istanbuul Asiya iyo Yurub.

Markii uu iscasilay Daud Oglo  waxaa dalkasi Turkiga la isla dhex marayay in R/wasaare laga dhigi doono  Sahar Ordagan lkn  hada Bin Cali Yaldaram  isagaa nasiibku baday oo qarka u saran in loo doorto R/wasaraha cusub ee Turkiga.

Xigasho Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Sonna

bin-Ali-640x360