GARBADUUBKA GUMAYSIGA IYO GARAB LA AANTA WADANIGA SOOMAALIYEED.

0

Waxaan codsanayaa in qofkasta oo wadani soomaaliyeed ahi u akhriyo si miyir leh maqaalkan.waxaan kareebayaa tusmayn,araar iyo gogoldhig intaba maqaalkan.waxaan soo bandhigayaa dulucda qormadan iyo gunaanad.waxaan soo gudbinayaa suugaan waxaan meel iska dhigay hadal oo dhan.

Dalka soomaaliyeed waa dal muhiimad gaara u leh wadamada reer galbeedka.sababtoo ah halka uu caalamka kaga yaalo muhiimadeeda.deeqaha illaahay iyo abuurkiisa dalkeenu waxa uu dhacaa dhulka budiisa ama badhtamaha xudunta dhulka.dhanka kale xaga samada iyo curka waxa uu ku beegan yahay oo dhulkeena dushiisa ah xudunta cirka ee dawladaha waa wayni dhigteen dayaxgacmeedyada ee ah xarunta dhexe.soomaaliya dusheeda ayaa dalwalbaa dhigtay aaladaha warlaliska taasoo aan ku toosnayn dalkooda kana fog halka dalkeena ay ku beegantahay!!!. intaa waxaa dheer aayaha dhaw in raga hawshaan aqoonta u lihi rabaan in ay ka dhisaan puntland xarunta uugu wayn caalamka ee dayax gacmeedyada dalka maraykanka hada ku taal in halkan loo soo raro.

Dalkeenu waa marinka xaga bada isku xira qaaradaha.dunida carbeed ama asia iyo afrika marinka isku xiraa waa soomaaliya.dalkeenu waxa uu leeyahay laba badood waxaana ku yaala marajal baxraynka quraanku sheegay oo ku yaal puntland.waxaana ku kulmaya halkaas labada badood ee ah bada cas iyo badwaynta hindiya.”Marajal baxreeyni yaltaqiyaani bayna humaa barzakhun laa yabqiyaani” suuratu araxmaan. badihii kulmayay ee aan kala dhex dhignay darbiga ama xadka ee midoodna aysan tankale ku xad gudbaynin. nin walbaa ma haysto marajal baxraynka!.

Dhulkeenu waa halka ay kabilaabatay ilbaxnimadii u horaysay waxaana kamid ah tii FIRCOONADA oo ahaa reer puntland tagay oo dagay dalka masar halkaana katalinaayay intii mudo ahayd.fircoon waa soomaali. Dalkeenu waxa uu leeyahay oo intaa dheer,buuro silsilad ah oo ku wareegsan badkiisa.wabiyo,dhulbeereed aad u balaadhan.waxa uu leeyahay hawada iyo cimilada uugu wanaagsan caalamka oo dhan waayo bartuu dhaco.waxa uuleeyahay nooc kastoo kaluun ah waxa ku jira bada shidaal sidoo kale barigana shidaal baa ceegaaga.

Reer galbeedku aqoon bay leeyihiin,dhulkeena way sahamiyeen oo baareen bad iyo bariba waxayna heleen sirtiisa dhabta ah. intaa kadib waa ina kala qaybiyeen 1884 waxay inaga dhigeen shan qaybood inagoo ah hal dal iyo hal dad oo ah isku diin,isku diir,isku isir,isku ab,isku af.taasi waxay ahayd si nicmada dhulkaan loo dhaxlo xoogaagana loo dhantaalo kadibna lagu adoonsado. waxaa la qorsheeyay in laynaga dhigo kala diin,kala isir,kala af,kala dad, kala qabiil. ilaa intii aynu xoriyada qaadanay laba kamid ah shantii qaybood ilaa maanta waxaa laynugu hayaa dagaal maskaxeed oo dadkeena lagu dhaqan rogayo si loo helo dhulkeenan dahabka ah.waxaa larabaa in inagoo illaahay ina siiyay dhulkaan indhaheena oo shan ah khayraadkiisa rag ku taajiro oo qaato inaguna oo ah dadkii lahaa aan ka gaajaysnaano oo layna bahdilo oo layna aduleeyo oo layna adoon sado. waxaana laynagu samaynayaa sidaa ANGOLA oo khayraadkoodii shisheeye qaadanayo wadanigiina ka kaba layahay wali.

Waxaa la abuurayaa inyar oo ah inta madaxda ah oo lagu nooleeysiiyo taajirnimo iyo lacag aan aqliguba ogolayn oo qofku noqonayo sida xayawaanka oo kale iskana kibrayo!! dabaqadaa waxa ka soo hara ma helayaan,shaqo,sharaf,waxbarasho iyo caafimaad midna.waa dhaqanka gumaystaha abuurida dabaqada si dadka loo adoonsado.

Dalkeena laynooma ogola in aan yeelano dawlad.nin ciidan qaran loo diiday dawlad maha.madaxdeena waxaa laga ilaaliyaa shacabkoodii ay xukumayeen oo adoon kiro ah oo reer galbeed soo kiraystay u jeedo fogna laga leeyahay ayaa ku kala dhex jirta dawladii soomaaliyeed iyo shacabkoodii soomaaliyeed!! waxaa la diidayaa in aan ka xorowno oo noqono dawlad.waxaa laynoo adeegsanayaa afrikaanka adoonta ah ee eithiopia iyo adoonta ugandha iyo kenya.waa layna dhex galay iyagana waa la isticmaalayaa.

Wadankeenii inagoo nool maanta ayaa la dhaxlayaa! danbi lagalo dunuubta uugu waa wayn ayayna kamid tahay.inagu dhuleenaynu leenahay iyaguna dhulkooday leeyihiin xaqna maha inay naga xoogaan dhulkeena sir iyo caadba.madaxwayne cali mahdi waa ladiiday,madaxwayne cabdi qaasim waa la diiday,madaxwayne cabdullahi yusuf waa la diiday,madaxwayne shariif waa la diiday,madaxwayne xasana waakan la diidan yahay hada!! waayo waa layna jilcinayaa dhulkaana larabaa.

Ariil 19 2016 waxaa dhulkiisa u hiiliyay nin waxbadan og.Cadawga illaahay ha ka qabtee waa Raysalwasaaraheena Dr cumar cabdirashiid cali sharmaarke oo ah mid kamid ah tiirarka qaranka soomaaliyeed.Geesigu waxa uu taariikhdaa kor kuxusan kadagay dalka Ruushka oo uu kala hadlayay in uu dalkiisa dib u xoreeyo.Run ahaantii nin soomaaliyeed oo maanta nool oo ku jira siyaasada soomaaliya aad aragtaan halka ay marayso in dalkeena la haysto gaar ahaan kuwa la adeegsado ee dariska ahi, in uu ubareerayo arintaa ma filayn.waxaan qirayaa in uu yahay wax geesinimo ka wayn.wadanigu maha wax layska dhig dhigi karo. allaa idiliye geesi wakaa hadii uun geesi jiro aduunka.halkaa waad aragtaan in uu san reer galbeed dankalahayn dawlad nimadeena waayo waa dilaa gumayste ah oo dhacaya dalkeena.waan kaxumahay in SHARMAARKE maanta garabwaayay iyo walaalo soomaaliyeed oo ka banaabaxa dal iyo dibadba oo ku dhawaaqa doonimayno ciidamo shisheeye inay dalkayaga waardiyeeyaan waxaan doonaynaa ciidan qaran.

Shacabkeenu wali mafahmin halka uu tooganayo sharmaarke oo ah libaax kamid ah libaaxyada soomaaliyeed ee asalka ah.Ruushku( wasiirka arimaha dibada Sergei Lavrov) waxa uu si daacad ah inoogu cadeeyay in dalkeena reer galbeed haysto una ogolayn in soomaaliya lagu gacan qabto inay yeeshaan ciidan qaran oo hanta dalka kana difaaca cadawga.dawladaha waawayna maslaxadooda guud way ilaashadaan mana jecla in ay isku dhacaan iyagu.hadaba aaway dadkii iyo shacabkii soomaaliyeed ee geesiyada ahaa ee wadaniyiinta ahaa sow ma aragtaan afduubka dalkeenii lagu haysto oo reer galbeed ku haysto adeegsanaya adoon.

Soomaaliyeey awoow yaasheen waa diideen quursi iyo gumaysi iyagoo aan waliba lahayn aqoonta iyo ilbaxnimada iyo dhaqaalaha aan maanta leenahay oo haysano. waxayse lahaayeen diin imaan iyo sharaf,waxay jeclaayeen dhaqankooda iyo dhulkooda. way iskala waynaayeen quursi iyo dulinimo waa mahad sanyihiin. dhulkiina way ka ilaasheen gumaysi in uu qaato sida afrikada kale oo laga badalay afkoodii iyo dhaqankoodiiba.awoowyadeen dhulkii oo sidiisii ah oo ay uuga dhaartee gumaysi ayay inooga tageen maanta in aynu baylah ka dhignaa xaqmiyaa?

Gunaanad

Waxaa ceeb iyo wadaniyad xumo inagu ah in Eithiopia ay ruurshka u daba martay markiiba raysal wasaaraheena oo ay ku yiraahdeen sidaad Tv caalamka kadaawanayseen ruushoow soomaaliya amaankeeda anagaa joogna oo hayna adiguna waa khalad in aad siiso hub una dhisto ciidan waayo angay nagu soo jeedsanayaan halis bayna galaysaa jiritaanka eithiopia iyo afrikada bariba.Dadka soomaaliyeedna ma qaadinkaraan masuuliyad dawladeed ilaa mudo dheer. soomaali dhiig daraneey maxaa loo waayay wax ka gilgisha arinkaa oo garab u noqda sharmaakahan lagu goobtay ee hiilka waayay somaaliyeed.Puntland sharmaarke cadaw bay u tahay oo laba wajiile nimo ayay kula dhaqmaysaa,waxayna ku colaadinayaan cadaalada uu larabo puntland iyo soomaali dhexdeed intaba.waxay ku haystaan maxaad u leedahay beelaha majeerteen ku raasta min hal xubin ha u kala qaateen si siman intay gaarto.puntland difaaca dalka sharmaarke kumaysan raacin mana samayn wax banaan bax ah iyo taageerid midna dagaalkaas wayn ee uu galay.Maalintay qaran joogto iyo arimo hoose oo yaroo qabiilkeena dhexdiisa ah in aan kala garan wayno waa inoo doqonimo soomaaliyeey.sharmaarke waxa uu u dagaalamayaa oo naftisii u hurayaa waa dhulkeena iyo ubadkeena iyo aayaheena soomaaliyeed walaalayaal soomaaliyeey. waxa sharmaarke u dagaalamayaa oo Eithiopia ka qayli siiyay waa xoriyadeena iyo qaranimadeena soomaaliyeey.

Walaalayaal aaway libaaxyadii hawiye,aaway libaaxyadii raxan wayn,aaway libaaxyadii direed,aaway libaax yadii daarood,aaway libaaxyadii jareer Wayne, aaway libaaxyadii banaadir,aaway libaaxyadii midgaan,aaway lixaaxyadii soomaaliyeed maxaan dhawra naynaa dalkeenii dawlad waa loo diiday,ciidamo shisheeyaa lagu soo daldalayaa,ciidan laynooma ogola,dawlad laynooma ogola,sababtoo ah dhulkeena la qaadanayaa oo la haystaa hada.dhulkaa laynaga qaadan waxaan ula jeedaa,waa lamaal gashan shidaalkiisaa la qaadan,guryo dabaqya ah ayaa laynaga dul dhisan inagii iska lahayn wadankana faqri iyo shaqo la aan ayaa laynugu bahdalayaa. waxaa la abuuryaa dabaqad kala saraysa oo soomaalidu uugu hoosayso.dhul ka qaadidu waa sidaa.hada xalane qof soomaali ahi kuma shaqaynkaro kumana dhex noolaan karo!! waana dalkeenii,sidaas ayaa laga dhigayaa meel walba.maalqabeenka ajanabiga ahi adiga soomaaliga ah shaqo kuma siinayo mana xoogi kartid kana lacag badan maxaad samayn? inta madaxda ahna sixiix buu ka haystaa nolal fiicana wuusiin iyaga!! away raganimadii soomaaliyeed in layna adoon sadaa larabaa dhulkeena in laqaataa la rabaa dadkeenii waa laysku diray si laynooga qaato dhulka.

Hadaynu u hiilino sharmaarke waan hubaa in dhulkeenu dhaqso xoroobayo illaahayna waa inoo hiilin balanku waa sidaa haloo diyaar garoobo halgan adag oo dib u xorayn soomaaliya. dalkeenii gumaysi baa xirxirtay wadanigii inoo kacayna wax u hiiliya oo garab istaaga ayuu layahay markaa waa garbaduubkii gumaysiga iyo garab la aanta wadaniga soomaaliyeed.
Yuusuf Cumar
Mashruuc5@hotmail.com