Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in qaraxi miino ee ka dhacay Kismaayo ay ku dhinteen inta la ogyahay ilaa labo qof oo rayid ah oo ku jirro nabadoon caan ah.
Warka ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Qaraxan lala beegsaday Ugaas C/qaadir Sheekh Axmed iyo Wiil u adeer u ahaa oo lasocday gaari in maanta dhulka loo galiyay Miinada Rumuudka Kontroolka laga Hago, taas oo ah tabaha ay Al Shabaab ku qaarijiyaan cidii fikirkooda iyo danahooda kasoo horjeeda.
Ugaas C/qaadir Sheekh Axmed oo sida la sheegay kamid ahaa Nabadoonada Beesha Absame iyo wiilka uu adeerka u yahay ayaa Dhamaanba Jirkooda go go’ay Waxaana lagasoo aruuriyeey melo kala Duwan.
Sida la wada ogsoon yahay maleeshiyaadka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxaa sadex meelood laba meel iyo bar soo tababaray wadaadka mayalka adag ee Xasan Turki oo kamid ah falaagada Al Shabaab, waxa ayna gacan saar toos ah la leeyihiin ururka argagixisada ah ee Al Qaacida.
Maleeshiyada Raaskambooni waxaa aasaasay, qalabeeyay, iskuna soo aruurshay ciidanka wadaadka mayalka adag ee Xasan Turki, waxaana u ah Qaadim Axmed Madoobe oo qudhiisa ka tirsan argagixisada Caalamiga ah ee Al Shabaab balse sheegta inuu ka toobad keenay taa oo aysan aaminsaneen dadka badankiis
Maleeshiyaadkii Al Shabaab ee gobolada Jubbooyinka ayaa waxa ay badankood gudaha u soo galeen magaalada Kismaayo kadib marki ay la wareegeen gacan ku heeynta magaalada ciidamada Kenya oo garabsanaya kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni waxa ayna kamid noqdeen maleeshiyaadka kuwada sugan gudaha magaaladaasi.
Axmed Cali Cagaar oo sheegtay in uu yahay Gudoomiyaha Beesha Absame ayaa BBC laanteeda af Soomaaliga uga waramay sida Qaraxa u dhacay weliba isagoo isburinaya hadalkiisa.
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/08/Voice_0171.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com