Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa 10 Gaari oo nuuca Boolisku isticmaalaan waxey ku wareejisay Maamulka Gobolka Waqooyi-bari ee Dowladda Kenya.
Madaxa Hay’adda UNHCR ee Dalka Kenya, Raouf Mazou ayaa sheegay in Gaadiidkaasi ay adeegsan doonaan Saraakiisha Amaanka ee Dowladda Kenya, si loogu sugo amaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wakiilka UNHCR ee Dalka Kenya waxuu tilmaamay in mas’uuliyad ay ka saaran tahay sugida amaanka Dhadhaab maadaama halkaasi ay ku jiraan Kumaan Qaxooti ah.
Gaadiidkan ayaa sidoo kale waxaa lagu galbin doonaan Shaqalaha Hay’addaha Gargaarka ee ka howlgalla Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab, si loo sugo xaaladooda amaan.
Dhinaca kale, Xiriiriyaha Maamulka Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamed Saalax ayaa sheegay in 10-kii billood ee ugu dambeeyay amaanka uu ahaa mid wanaagsan kadib markii wada shaqeyn ay dhexmartay Ciidamada amaanka iyo Dad Shacabka.
Xariiriye Maxamed Saalax ayaa waxuu tilmaamay in Xeryaha Qaxootiga Kenya ay weli soo gaarayaan Dad horleh maadaama qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya aan weli la nabadeyn, sida uu hadalka u dhigay.
Xukuumadda Nairobi ayaa dusha kaga tuurtay Ururka Al Shabaab ka dambeynta Weeraro iyo Afduub loo joogteeyay Saraakiil iyo Shaqaalo ka tirsan Hay’addaha Gargaarka qaarkoood ee ka howlgalla Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.
Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Kenya, William Ruto ayaa dhowr jeer oo hore waxuu ku celceliyay in la xiro Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab maadaama Madaxda Kenya qaarkood ay aaminsan yihiin Weerarada qaar laga soo qorsheeyo Xeryahaasi.
Kumanaan Qaxooti ayaa haatan ku nool Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya, inkastoo ay jiraan in ka badan 5 kun oo Qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaasi oo si iskood ah ugu soo laabtay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.