Shiikh Bashiir ”Intuu Cibaadeysan Lahaa Ayuu Miino Aasid Iyo Qarax Sameyn Ku Mashquulayaa”

0

Sheikh Ahmed Salad reads a statement at the end of a clerics' conference in MogadishuMuqdisho(AGGM) Hey’adda culumada Soomaaliyeed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay in iyadoo lagu gudajiro 10-ka danbe ee bisha Ramadaan ay kooxada alshabaab isku dayayaan inay hakiyaan cibaadada dadka muslimiinta ah,  iyagoo ugu baaqay bulshada inay dowlada ku gacan siiyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxahasi.

Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ku eedeeyay malleeshiyaadka Shabaab in dadka Muslimiinta ah ay ka hortaaganyihiin cibaadada Alle,  isagoo xusay in ay ku mashquuleen dilka dadka Muslimiinta ah, iyadoo lagu guda jiro Tobankii dambe Ramadaan.

‘’Intii uu cibaadeysan lahaa ayuu miino aasid iyo Qarax sameyn ku mashquulayaa ummaddiina uu cibaadadi iyo ineey aadaan Masaajidda iyagoo xasiloon ka Mashquulinayaa, bishan oo ah bixshii cibaadada oo Alle bariga la badin lahaa ayeey iyagiina isku mashquulinayaan dhibaato iyo iney muslimiinta ku beeraan wel wel, cabsi iyo walbahaar iyo in cibaadadii si xasilooni ah loo gudan waayo’’ Ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney dowlada gacan ku siiyaan sidii looga hortagi lahaa kooxdan ummadda u diidan cibaadada Alle, wuxuuna ku boorriyay shacabka in haddi ay arkaan dhagarqabe qarax wada ay u sheegaan ciidamada haddii aysan iyagu wax ka qaban Karin.

Sidoo kale Sheekha ayaa falalkaasi amnidarrada ah oo ay wadaan dhagar qabayaasha shabaab ku tilmaamay mid ka soo horjeeda Diinta Islaamka, wuxuuna ku baaqay inaan loo kala harin sidii looga hortagi lahaa kooxda Alshabaab oo dhibaatooyin joogta ah ku haya shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo daalay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com