DHAGEYSO+Sawirro:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta Isbitaalka ku booqday Abwaan Deeq Qooje

0

Guddoomiyaha  Gobolka  Banaadir  Yuusuf  Xuseyn  Jimcaale  ayaa Maanta Cusbitaalka ku booqday Abwaan

Shire oo ku cuuryaamay Shil gaari oo uu ku galay Magaalada Cadaado mudo haatan laga joogo 10 sano.

Abwaan qooje waxaa Cadaado ka soo qaaday hadana gacanta ku haya Abwaan Cusmaan Cabdulaahi Guure  oo ah Agaasimaha Radio Kulmiye

Guddoomiyaha Golaha Abwaanda Soomaaliyeed  Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub  ayaa Duqa Muqdisho iyo Kuxigeenkiisa ka codsaday in ay wax u qabtaan Abwaan Deeq kana Run sheegaan Balanqaadkooda.

Guddoomiye Yuusuf Jimcaale ayaa sheegay inuu ku dadaalidoono wixii karaankiisa ah inuu u qabandoono Abwaankaan oo Mudo 10 sano sariirsaarnaa.

Halkaan ka dhageyso

1 2 3 4 5 6 7 8