FAAH FAAHIN : Al Shabaab weerar Culus kula wareegay Xero ay ku sugnaayeen Ciidamada AMISOM oo ku taalla Janaale

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in saaka weerar Culus ay dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ku qaadeen Xero  weyn oo Ciidanka AMISOM ay ku lahaayeen halkaasi.

Weerarka Al Shabaab oo ku bilowday Qarax Ismiidaamin ah oo uu fuliyay nin naftii hore ah oo watay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay afaafka hore ee xerada ayaa waxaa kadib tiro dagaalamayaal ah ay u daateen xerada.

Sida u xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle Al Shabaab aya guud ahaan la wareegay xerada , iyagoo billaabay in ay bililiqeystaan halkaas, isalamarkaana u fasaxay dadka deegaanka in ay bililiqeystaan agabka xerada yaalla.

Al Shabaab ayaa horay sidaan oo kale weerar ay ku dileen daraasiin Ciidamada AMISOM ka tirsanaa ku qaaday xero ay ku lahaayeen AMISOM deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Weli ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee weerarkii saaka lagu qaaday deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose , iyadoona ilo deegaanka ah ay Shabelle u xaqiijiyeen in ay indhahooda qabteen meydadka  tiro  Askar ah oo ka tirsanaa Ciidanka AMISOM kuwaas oo aysan cayimin tiradooda.