Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha Wasiirada Galmudug oo Habeenkii Sabtida soo galaysay ku dhawaaqay Madaxweyne Guuleed.
Xildhibaano gaaraya 69 Xildhibaan ayaa soo xaadiray kulanka maanta, waxaana codka si aqlabiyad leh ku siiyay Golaha Wasiirada 66 Xildhibaan, ma jirto cid ka aamustay ama diiday.
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ayaanan codeyn marka laga reebo saddexdaasi masuul Xildhibaanada kale ee codeeyay tiradooda waxa ay noqonaysaa 66 Xildhibaan.
Baarlamaanka Maamulka Galmudug, wuxuu ka kooban yahay 89 Xildhibaan, fadhigii maanta ay yeesheen waxaa ka maqnaa Xildhibaano gaaraya 20 Xildhibaan oo aanan la ogeyn sababta kulanka ay uga maqnaayeen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa sheegay Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug inay yihiin kuwa ansax ah oo Xildhibaanada si aqlabiyad leh ay ugu codeeyeen.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo madasha ku sugnaa ayaa Khudbad uu jeediyay kaga mahadceliyay Xildhibaanada qaabka ay ugu codeeyeen Golaha Wasiirada Maamulkiisa.
Guuleed, ayaa sheegay inuu soo dhaweynaayo Xildhibaanadii mucaaraday kolkii hore Golaha Wasiirada Galmudug ee hadana dib u tanaasulay oo u codeeyay ansixinta Golaha Wasiirada.
Inkastoo Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug maanta cod aqlabiyad leh lagu ansixiyay ayaa hadana weli waxaa jira Xildhibaano kasoo horjeeda Wasiirada Galmudug oo kulankii maanta ka maqnaa.