Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Nuur Ayaa sheegay in maamulka Cusub ee Magaalada Marka uu halkaas ka howl billaabay.
Mr Cali Nuur ayaa dhibaatooyinkii amniga ee ka jiray Marka ku micneeyay maamul la’aan ka jirtay degmadaasi balse hadda maamulka meesha la geeyay uu masuuliyad iska saari doono xaqiijinta nabad gelyada.
Maamulka Koofur Galbeed ayaa masuuliyiin Cusub u Magacaabay Magaalada Marka kuwaas oo tan iyo magacaabistoodii aan halkaas ka shaqo billaabeen.
Hayeeshee maamulka in halkaas uu ka howl billaabo ayaa ka dambeysay kadib markii shalay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ay gaareen Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.
HOOS KA DHAGEYSO: