Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay Shirkii Wada tashiga beelaha Puntland ee lagu soo Gaba gabeeyay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Xukumadda Puntland ay dhaqan galineyso Qodobadii ka soo baxay Shirka.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Tilmaamay in Ujeedka laga laha Shirka ay aheyd in Beelaha dhistay Puntland 1998-ii ay ka Tashadaan Aayaha Puntland iyo waxa la iigsanayo Mustaqbalka si loo ogaado Yoolka Puntland ay leedahay.
C/wali Gaas ayaa Odayaashii ka qeyb galay Shirka waxaa uu ugu baaqay in ay Dhankooda dhaqan galiyaan Qodobadii lagu Heshiiyay.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu soo Afmeeray Shir Mudo Afar Maalin ah uga soconayay Magaalada Beelaha Maamulka Puntland ku mideysan.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka