TOP DHAGEYSO : Faah Faahin | Haweenay xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho.

0

Kooxo hubaysan ayaa xalay Degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen haweenay Guddoomiye waaxeed ka aheyd Degmada Xamar Jajab.

Ragga hubeysan ayaa beegsaday haweenayda, waxaana rasaas ay la dhaceen ay sababtay inuu dhaawac culus soo gaaro haweenaydaasi, iyadoo ugu dambeyn u geeriyootay dhaawicii cuslaa ee soo gaaray.

Siciido Sheekh Mursal, ayaa lagu magacaabi jiray haweenayda Guddoomiye Waaxeedka ka aheyd Degmada Xamar jajab ee xalay fiidkii ragga hubaysan ay rasaasta la dhaceen, kadibna dhaawicii soo gaadhay Isbitaalka ugu geeriyootay.

Raggii hubaysnaa ayaa ka baxsaday goobta ay ku beegsadeen haweenaydaasi, iyadoo aysan suuragelin ciidamada ammaanka Degmada Xamar jajab inay soo qabtaan raggii ka dambeeyay dilka haweenaydaasi.

Saraakiil ka tirsan Booliska Degmada Xamar jajab oo xaqiijiyay dhacdadaan, ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan cidii ka dambeysay dilka loo geystay haweenaydaan.

Maamulka Degmada Xamar jajab weli kama aysan hadlin dilkaan loo geystay Haweenaydaan Guddoomiye Waaxeedka ka aheyd Degmada Xamar jajab ee xalay ifka la dhaafiyay.

Ilaa hada ma cadda raggii dilka geystay halka ay ka tirsan yihiin, balse Ururka Al Shabaab ayaa looga bartay dilalka caynkaan oo kale ah inay fuliyaan.