Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia, kuna sugan Magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay Magaalada inay ku soo qul-qulayaan Dhalinyaro badan oo Shabaab ka tirsan.
Daahir Amiin Jeesoow, ayaa ku sheegay sababta Shabaab Beladweyne ay u galayaan inay tahay ciidamada Xooga dalka iyo kuwa Amisom inay Shabaab ka saareen Deegaano badan oo Gobolka ka tirsan, sidaasi awgeedna Shabaabka ay miciin bideen Magaalada inay dhuumaleysi ku galaan.
Waxa kale uu sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, Saraakiisha ciidamada ammaanka Magaalada Beladweyne in laga doonaayo inay galaan feejignaan badan oo dhanka ammaanka ah si looga hortago qataraha ay sameyn karaan Dhalinyaradaasi Shabaabka ka tirsan.
“Waxaan la soconnaa in Degmada Beladweyne ay soo gaarayaan Al-Shabaab, sababtoo ah meel ay tagaan malahan, magaalada ayeey naf la caari kusoo yihiin, sidaa darteed waa in saraakiisha amniga ay howlgallo sameeyaan.” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.
Isaga oo hadalka sii wata Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, waxa uu ugu baaqay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somalia inay gurmad la gaarto dadka ku nool deeganadii Ururka Al Shabaab ciidamada ay ka saareen.
“Wasaarada Arimaha Gudaha waxaan ugu baaqeynaa shacabka inay u gurmato, weli dadka ku nool deeganadii Shabaabka laga saaray xaaladooda ma fiicno gurmad ayeey u baahan yihiin.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.
Magaalada Beladweyne oo xarun u ah Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo lagula kaco dadka nabadoonada iyo xubnaha la shaqeeya Maamulka Gobolka.