TOP DHAGEYSO WAREYSI : Shirka Wadatashiga Beelaha Puntland Oo Maanta Soo Xirmaya & Beelo Wali Dhaliilsan.

0

Magaaladda Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Waxaa Maanta Lagu Soo Xirayaa Shirka wadatashiga Puntland Kaas Oo 25-ka Bishaan Ka Furmay.

Shirkaan ayaa waxaa Ka Qeybgalay Ergooyin Kala duwan Oo Ka kala yimid Goboladda Puntland Kuwas Oo Wali Ka Doodayay Xaaladda Guud ee Puntland.

Nabadoon Cabduqaadir Ibraahim Xarago Afhayeenka Nabadoonadda Gobolka Bari Oo Uwaramayay Shabaladda All-Galgaduud Media Ayaa Sheegay in Shirkaan Uu Noqonayo Mid ay ka soo baxaan Qodobo Dhaxalgal ah oo Dan Ugu Jidho Umadda Reer Puntland.

Sidoo Kale Waxaa Uu Sheegay in Shirkaan Mudadii Uu Socday Looga Dooday Hormaradda ka Socda Gudaha Puntland iyo Caqabadaha kale ee taagan.

Mar aan wax ka weydiinay Dadka Dhaliilsan Shirkan Ayuu Sheegay ineysan dhamaan dadka usku Fikir Noqon Karin, Ayna Jiraan Dad Aragtiyo kala duwan Ka Qabba Shirka,

Dhinaca Kale Nabadoon Xarago Ayaa Meesha ka saaray in shirkaan Uu Carqalan Ama Dhibaato Ku Yahay Koox, Urur Ama Beel Gaar Ah Kuwas Oo Laga Tashanayay,

Shirkan ayaa lagu sheegay inuu yahay kii labaad ee ugu weynaa kaas oo Looga tashanayo aayaha Puntland, Waxaanna kulankaan Oo Kale uu ahaa kii dhacay 1998 kaas oo lagu unkay Dowladda Puntland.

dhageyso wareysiga.