Guddoonka sare ee Baarlamanka soomaliya ayaa sheegay in uusn ku jirin ajendayaasha Baaralamanka soomaliya Mooshinkii dhawaan laga soo Gudbiyay Madaxweynaha soomaliya mudane xasan sheikh Maxamuud
Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamanka soomaliya Mahad cabdi Cawad oo la Hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in aysan jirin wararka ku aadan in Gudoonka sare ee Baarlamanka soomaliya uu ajendihiisa ku daray mooshinkii dhawaan laga soo Gudbiyay Madaxweynaha soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud
Dhawaan ayay aheyd markii qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ay Mooshin ka Gudbiyeen Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud oo Haatan ah Madaxweynaha dalka