Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kaeiin Xuseen Guuleed oo ka hadlayay Heshiiskii ay wada gaareen Maamulkiisa iyo Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ugu baaqay Beesha caalamka in ay Taageerto Heshiiskaasi.
C/kariin Xuseen Guuleed Hogaamiyaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay in ay Taageeraan heshiiska Ahlusunna iyo Galmudug,kaas oo horseedi kara Wanaag iyo in dadka Gobolada Dhexe ku nool ay Gacmaha isqabsadaan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Heshiiskaan ay la galeen Ahlusunna uu yahay mid mudo laga soo shaqeynaya islamarkaana hada lagu guuleeystay.
Guuleed ayaa intaa ku daray in Ahlusunnada ku nool Degaanada Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee ka soo horjeeda Maamulka Galmudug uu la fariisan doono si loo gaaro Nabad iyo Wada noolaansho.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka