DEG DEG: Sheekh Max’ed Shaakir oo soo Magacaabaya Golihiisa Wasiirada.

0

Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe Sheekh Max’ed Shaakir ayaa sheegay in dhawaan uu soo Magacaabayo Golihiisa Wasiirada.

Shekeh Max’ed Shaakir oo taageerayaashiisa kula hadlayay gobolka Galgaduud ayaa tibaaxay in ay si isdaba joog ah u soo gaarayeen dalabyo ku aadan dhameystirka maamulkiisa.

“ waxaa heer gaba gabo ah maraya tashiyada ku aadan magacaabista Golaha Wasiirada Maamulka Gobollada dhexe” ayuu yiri Sheekh Max’ed Shaakir.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe ayaa imanayaa xilli shalay Magaalada Cadaado Galmudug ay heshiis kula saxiixatay xubno matalayay culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca.