Xildhibaan Yuusuf Geelle: ” AMISOM gacan ha ka geysato ammaanka Galmudug”.

0

Xildhibaan Yuusuf Geelle oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana ka soo jeeda Galmudug ayaa ka dalbaday Ciidamada AMISOM in ay gacan ka geystaan  ka shaqeynta ammaanka deegaanada Galmudug.

Mudane Yuusuf Geelle ayaa tilmaamay in deegaanada Galmudug aan laga aqbali karin fowdo in ay ku sii jirto islamarkaana , waxa hub ku dhex sidan karo ay tahay Ciidanka dowladda Federaalka ay aqoonsan yihiin iyo kuwa AMISOM kaliya.

“ waan idinla joogi doonaa, waxaa tihiin maamulka aan ku matalno Baarlamaanka dowladda dhexe” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Geelle.