Boqolaal qof oo Tahriibayaal ah ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen labo doonyood oo saacadihii la soo dhaafay ku degtay xeebaha dalka Liibiya.
Labada doonyood ayaa waxaa saarnaa illaa 500 oo tahriibayaal ah, waxaana ay degtay wax yar kadib markii ay ka soo shiraacatay xeebta magaalada Zuwara ee dalka Liibiya.
Waxaa socda howl gal lagu samata bixinayo mid ka mid ah doomaha degtay, waxaana gurmadka uu socday ilaa xalay saqdii dhexe, markii doontaas ay dalbatay in si deg deg ah loo caawiyo.
Qof ka mid ah dadka deegaanka Zuwara ayaa sheegay in illaa 100 meyd la geeyay Isbitaalka magaalada, waxaana ciidamada ilaalada xeebaha Libiya ay soo bad baadiyeen 20 ruux.
Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa sii kordhayay qul qulka Tahriibayaasha, waxaana Talyaaniga uu u yahay marin ay uga sii gudbaan dalalka kale ee Yurub, si ay nolol ka wanaagsan tii ay ku noolaayeen u helaan.
Dalalka Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyay muhaajiriinta ku soo qul qulaya wadamadooda, waxaana ay ka imaanayaan wadamada Suuriya, Eritrea Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrikaan ah.
Liibiya ayaan ka jirin dowlad dhexe oo awood leh, tan iyo markii la riday Mucaamir Khadaafi, waxaana dalkaas intiisa badan ka taliya maleeshiyaad iska soo horjeeda.