Madaxweyne Guuleed “Mala aqbali doono in koox gaar ay qori caaradii dadka ku maamulaan”

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in aan la aqbali doonin kooxo gaar ah oo dooneysa inay qori caaradiisa ku helaan awood maamul, isagoo baaq u diray Beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka.

Madaxweyne Guuleed oo shalay ka hadlayay heshiis uu la saxiixday xubno ka tirsan Ahlusuna ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka in aysan ogolaan ciidamo ka baxsan dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

“Waa dhamaatay xilligii ay koox qori caaradii ay si awood ah wax ku maamuli jirtay, waxaa ugu baaqayaa dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka in aysan aqbalin ciidan aan aheyn kuwa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada”ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay cid kasta oo wax ka tabaneysa, isagoo xusay in maamulada deriska la ah uu doonayo inay iska kaashadaan nabada.

Maamulka Galmudug oo dhwaan la dhisay ayaa hada wajahaya caqabado ku hor gudban, waxaana socda dadaalo arintaasi looga gudbayo.