Xubnaha Culumaa’udiinka Ahlusuna ee fadhigoodu yahay Dhuusa Mareeb ayaa qaadacay qeyb ahaanshaha heshiiskii shalay Cadaado ku kala saxiixdeen garab ka tirsan Ahlusuna iyo Maamulka Galmudug.
Madaxweynaha Ahlusuna ee dhowaan lagu doortay Dhuusa Mareeb Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in heshiiskaas aanay ka mid aheyn, isla markaana ay galeen xubno horay uga mid ahaan jiray iyo Maamulka Galmudug ee Cadaado lagu dhisay.
“Heshiiskii Cadaado Ahlusuna qeyb kama aheyn, waxaa gaaray oo halkaas ku saxiixday, dad horay u wada shaqeynayay oo isla joogay, Ahlusuna uma aysan dhameyn heshiiskaas”ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in heshiiskaas uu yahay mid Beesha Caalamka lagu marin habaabinayo, isagoo xusay in Ahlusuna aysan marnaba raali ka aheyn waxa ka dhacay Cadaado.
“Ahlusuna waa ay midowday, Maamul ayayna sameystay oo shacabka Gobolada Dhexe ku qanacsan yihiin, heshiiska Cadaado wuxuu dhex maray dad awal wada joogay”ayuu yiri Madaxweynaha Ahlusuna.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Guddoomiyaha Golayaasha Ahlusuna Sheekh Ibraahiim Guureeye oo hogaaminayay garab ka mid ah Ahlusuna ayaa shalay heshiis awood qeybsi ku kala saxiixday Cadaado, waxaana heshiiskaas uu dhigayaa in Ahlusuna qeyb ka noqoto Maamulka Galmudug.
Xubnaha Ahlusuna ee hubeysan ayaa gacanta ku haya Caasimada Maamulka Galmudug ee Dhuusa Mareeb, degmada Guriceel iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.