DHAGEYSO : Faah Faahin | Guddoomiye Kaliil iyo Siyaasiyiin kale oo gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

0

Guddoomiyiha Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolkaasi ayaa maanta gaaray Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

Guddoomiye Kaliil ayaa kulamo kala duwan waxuu Degmada Ceelwaaq kula qaatay Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxuuna sheegay in uu haatan yahay Guddoomiyaha saxda ah ee Gobolak Gedo ee Dowladda ay aqoonsan tahay.

Waxaa weli Magaalada Ceelwaaq ka socdo sida la sheegayo kulamo uu Guddoomiyihii Gobolka Gedo uu halkaasi kula qaadayo Saraakiisha iyo Maamulka Gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye Kaliil uu tagayo Magaalada Baardheere oo dhawaan laga wareegay Ururka Al Shabaab oo la sheegayo in Maamul Cusub loo sameenayo.

Maamulkan Cusub ee la doonayo in loo sameeyo Degmada Baardheere ayaa waxaa ka taagan isfaham waay u dhaxeeyay Maamulka dhawaan lagu soo magacaabay Magaalada Dooloow iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sikastaba, socdaalkan uu maanta Guddoomiye Kaliil ku gaaray Gobolka Gedo ayaa imaaneyso maalmo un ka hor markii isaga iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolkaasi loo soo masaa furiyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.