TOP DHAGEYSO : Wasiirka Warfaafinta ee DFS oo ka hadlay saameynta ka dhalan karta mooshinka looga soo horjeedo Madaxweynah.

0

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumada Somalia Maxamed cabdi Xayir Maareeye oo maanta warfidiyeenada u qabtay shir jaraa’id ayaa ka warbixiyey waxqabadka wasaaradiisa mudadi uu xilka hayey isagoo sheegay in horumaro badan oo la taaban karo uu ka sameeyay wasaaradiisa isagoo dhanka kale ugu baaqay ciidamada dowlada in ay hore usii dhaqaajiyaan howl galada malateri ee ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa al shabaab wuxuuna ku bogaadiyey ciidamada dowlada geesinimada ay muujinayaan iyo guulaha ay usoo hooyeen shacabka soomaaliyeed.

Maxamed Cabdi xayir Maareeye oo soo hadal qaaday mooshinka ka dhanka ah madaxweyne xasan shiiq ayaa tilmaamay in ay saameyn ku yeelan karto mooshinkaasi horumarka baaxada leh ee ay ku tilaabsanayso dowlada Somalia walow uu xusay in howlaha hay,adaha dowlada ay usocdaan si habsami leh.

Wasiir maareeye ayaahoosta ka xariiqay in uusan dhaawacini doonin mooshinka dowladnimada Somalia waxaana uu rajo ka muujiyey in goor dhaw xal laga gaari doono.

Dhinaca kale wasiirka oo ka hadlay muranka dhanka xuduudaha ah ee udhaxeeya maamulada galmudug iyo puntland ayaa tilmaamay in gudiga arimaha xuduudaha loo xilsaaray arintaasi daraasadna ay ku soo sameyn doonaan xuduudahahaasi uu muranka ka dhashay isla markaana ay baarlamaanka ula soo laaban doonaan si cod loo galiyo ugu dambeyna xal looga gaaro.

Hadalka wasiirka warfaafinta ee xukuumada Somalia ayaa waxaa uu imaanayaa xili wasaaradiisa oo uu sheegay in ku tilaabsanayso horumar dhankasta ah oo la xiriira howlaha horyaala wasaarada warfaafinta