Kudhwaad 50 muhaajiriin ah oo ay kujiraan soomaali ayaa laga helay Meydadkooda doon gacanta lagu dhigay oo waday muhaajiriin taa oo lagu hakiyay biyaha wadanka Libya , sida ay sheegeen ilaalada xeebaha wadanka Libya.
Warbaahinta wadanka Talyaaniga ayaa tabiyay in dhimashada muhaajiriintan ay kadhalatay hawo la’aan doonida dhaxdheeda ku qabsatay muhaajiriinta madama doonida dadka saaarnaa ay aad u badnaayeen.
430 ruux oo doonida la saarneed dadkan dhintay ayaa lasoo badbaadiyay waxaana qeyb ka qaatay badbaadintooda markab laga leeyahay wadanka Sweden.
Howgalkan badbaadada ah ee kadhacay bada Mediterranean-ka ayaa qeyb ka ah 10 howgal oo maalmihii lasoo dhaafay maraakiibtu ay kasameenayeen meditreian-ka.
Qaramada midoowe ayaa sheegtay in sanadkan kaliya ay bada udhaxeysa Talyaaniga iyo Libya kudhinteen 2,000 oo muhaajiriin ah oo isku dayaye iney Yurub galaan.