DAAWO VIDEO: Shacabka reer Diinsoor oo soo xulay 300 oo dhalinyaro ah, si ammaanka loogu tababaro,

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeedka Somaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sheegay shacabka reer Diinsoor inay iska soo dhex xuleen saddex boqol oo dhalinyaro ah, si loogu tababaro ammaanka.

Wuxuu sheegay inay noqon doonaan askartii ugu horeysay oo tababar la siiyo, qalabayna lagu sameeyo, si ay kaga shaqeeyan ammaanka Degmadaasi, ka dib markii Ururka Al Shabaab laga saaray bishii hore ee July.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlaayay dadka reer Diinsoor, ayaa sheegay inuu rajeynaayo in dhalinyaradaasi ay u adeegaan shacabkooda, iyagoo markaasi ka shaqaynaaya xasiloonida Degmada.

Shariif Xasan, ayaa hadalkan ka sheegay booqasho uu Arbacadii ku tagey Degmada Diinsoor, xilli booqashadaasi uu ku kaabaayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.