Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ” Amisom iyo Ciidamada Dowladda Wax wada shaqeyn Ah Kama Dhaxeyso”+Khilaaf Cusub.

0

Guddiga Difaaca Baarlamaanka Somalia, ayaa daboolka ka qaaday inaysan jirin wadashaqeyn wanaagsan oo ka dhaxeysa ciidamada Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Amisom.

Xuseen Carab Ciise Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay inay arkeen wada shaqeynta Amisom iyo ciidamada Dowladda ka dhaxeysa inay tahay mid uu ku jiro mad madoow ballaaran.

Wuxuu sheegay Xuseen Carab Ciise sababta inay tahay kolka ciidamada Amisom ay qabsadaan deegaano Shabaabka ay joogaan loo baahan yahay in ciidamada Somalida ay tagaan deegaankaasi, si ay u xaqiijiyaan ammaanka gudaha goobaha ciidamada Amisom ay la wareegaan.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay Taliska ciidanka Xooga dalka iyo Taliska Amisom inay la kulmeen oo ay ka dhageysteen Warbixin la xiriirta wadashaqeynta ciidanka ka dhaxeysa, ayna u cadaatay inuu gaabis badan ka jiro wada shaqeynta ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom u dhaxeysa.

“Ciidamada Amisom Saraakiishooda markii aan weydiinay waxaa ay noo sheegeen in ay tahay sababta in aysan jirin cid u kala dab qaadeysa ciidamada Amisom iyo Shacabka ku nool goobaha la qabsaday,maadaama Ciidamada iSoomaaliya aysan nala socon.”ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.

Sababta ciidamada Amisom ay uga soo baxaan deeganada ay qabsadaan, ayuu ku sheegay inay tahay in Amisom ay weyso ciidan Somali ah oo sugga ammaanka Magaalooyinka ay qabsadaan ciidamadaasi.

Ciidamada Amisom ayaa dhowr mar ka baxay magaalooyin ay ka qabsadeen Ururka Shabaab, kadib markii ay u caalwaayeen wax ka qabashada weerarada kaga imaanayay Ururka Shabaab.

Ciidamada Soomaalida ayaa waxa ay muhiim u yahay suggida ammaanka dhulka ay qabsadaan ciidamada Amisom, maadaama shacabka deegaanka ku nool ay yihiin kuwa Somali ah oo ciidamada Somalida ay isfahmayaan.