Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanlka Soomaaliya ayaa Eedeeyn u jeediyay Ciidamada Dowladda Itoobiya ee ku sugan Gobollada Dalka Soomaaliya Qaarkood,waxaana Xildhibaanadu ay ku Eedeeyeen in Ciidamada Itoobiya ay Awood Dheeri ah oo ka baxsan Howlgalka AMISOM ay Adeegsadaan.
Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Shaqooyinka ay hayaan Ciidamada Itoobiya ee aan aheyn kuwa AMISOM ay yihiin kuwo umuuqda Qaab Guumeysi islamarkaana ay Xasuuqaan Shacab Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Maxamuud Cali Magan ayaa ugu baaqay Xukumadda Soomaaliya in ay wax ka qabato Dhibaatada Joogtada ah ee Ciidamada Itoobiya ay ka geeystaan Gobolada Dalka Soomaaliya.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka