Bille Diini Cali, oo ah Gudoomiyaha Gaalkacyo ee Maamulka GalMudug ayaa Maanta Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay waxa uu ku sheegay in Puntland ay Xiisado Dagaal ka abuurayso Magaaladaasi.
Wuxuu yiri: Puntland waxay burburinaysaa Suuqa Gaalkacyo qeybta katirsan Maamulka GalMudug, waxaana aan leeyahay Maamulka C/wali Gaasi dagaal siyaasadeed halaga daayo shacabka walaalaha ah.”
Bille Diini Cali, ayaa Wariyaasha u sheegay in GalMudug aysan u dulqaadan doonin Burburinta Puntland kawado Suuqa Gaalkacyo, oo Jawaab ku haboon dhawaan ka bixin doonto.
Puntland ayaa waxay Maalmihii lasoo dhaafay kawaday Qeybta Waqooyi ee Gaalkacyo Howlo bu-burin ah oo ay sheegtay inay ku samaynayso Goobaha Sharci-darrada ah ee ku yaalla Wadada Hareeraheeda.
Maamulka GalMudug ayaa kahor-yimid Howsha Buburinta ee ka socota Gaalkacyo.
Xariirka Labada Maamul ayaan wanaagsanayn Mudooyinkii danbe, iyadoo midba midka kale ku eedaynayo inuu Colaad ka hurinayo Gaalkacyo oo ah Xadka hadda kala qeybiya Puntland & GalMudug.