Muqidsho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan SheekhMaxamuud ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in Soomaaliya taageero buuxda oo xaga dhaqaalaha loogu yaboohi doono shirka dhawaan ka dhicidoona magaalada Brussells ee xaruunta dalka Biljemka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid loo qabto wadamada kasoo kabanaya dagaalada si loo siiyo kaalmo caalami ah oo dib loogu dhisayo.
‘’Shirka September ka furmaya Biljim waa ah mid caalami ah oo loo qabto wadamada dagaalada sokeeyo ka soo kabanaya si loo siiyo dhaqaale dib loogu kabayo, wuxuuna leeyahay wax la yiraahdo New Deal oo caalamkoo dhan uu ku heshiiyay oo ah macaamilka cusub iyo sida uu noqonayo, iyo waliba doorka ay dowladaasi iyo dadkeeda uga qeyb qaadankaraan dib u dhiska dalkaasi’’ Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Maxamuud.
Ugu dambeyntii hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yimid kadib markii uu shalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub, iyagoo ka wadahadlay shirka looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo ka dhicidoono dalka Biljimka bisha September.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com