Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ka horjeestay Mooshinka dhawaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya.
Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in Mooshinkaasi uu carqaladeynayo Hiigsiga Cusub ee 2016-ka iyo horumarada la doonayo in la gaaro.
“Mooshinkan laga keenay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa hubaal in uu caqabad ku yahay horumarka la qorsheenayo in la hiigsado” sidaasi ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.
Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in gacmaha la is qabsado islamarkaana laga shaqeeyo dib u heshiisiinta si buu yiri 2016-ka loogu gaaro Nabad.
Sikastaba, hadalka Duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxuu imaanayaa Xili Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ku kala aragto duwan yihiin mooshinka dhawaan laga gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.