Magaalada London ee caasimada wadanka ingiriiska waxaa ka dhacday Dhacdo Layaab leh Kadib markii aabe uu wiilkiisa iyo xaaskiisa uu diley isagana is Diley markii dambe
Arintaan ayaa ka dhacday Magaalada London dhanka Woqooyi Koonfureed waxaa arintaan sameeyay aabe Peter Denyer oo xabad ku Dhuftay wiilkiisa iyo xaaskiisa kadib isaga is diley
Qof Tagay Halka uu dilka ka dhacay darisna la’ahaa Peter Denyer ayaa sheegay in uu maqlay Rasaas xoogan oo ka dhacday Guriga dariskiisa markii uu tagayna uu arkay Peter Denyer oo dintay iyo xaaskiisa iyo wiilkiisa sidoo kale Mayd ahaa
Dhanka kale Booliska Magaalada London ayaa sheegay ay sameynayaan Baaritaano ku aadan wixii sababta u ahaa dilka ka dhacay wadada Harrow ee Magaalada London ee dalka Ingiriiska
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in aabe Peter Denyer uu xaaaskiisa iyo wiilkiisa uu u diley sababo la xiriira Lacago ay damaashaad ku aadeen wiilka iyo Hooyadiisa aabe Peter Denyer uu ka xanaaqay