Boqolaal ruux ayaa ka soo qeyb galay aaska qaran ee loo sameeyay lafaha meydadka oo tiradoodu gaareyso ilaa 45-ruux, kuwaasi oo laga helay qabuuro ku yaala duleedka Hargeysa, iyadoona la sheegay in halkaasi laga helay alaabooyin raashin ay siteen dadkaasi oo raashinka ay ku cunayeen.
Duleedka magaalada Hargeysa waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay in ka badan 40-qof, kuwaasi oo markoodii lagu aasay hal qabri oo ku yaala meel aan ka fogeyn halka lagu aasay.
Sida ay sheegeen dadkii helay qabuuro wadareedka meydadkaan ayaa ku geeriyooday duqeymo dhinaca cirka ah oo diyaaradihii dowladdii dhexe ee Soomaaliya u geysatay, markaasoo ay ku beegneyd sanadkii 1988-kii.
Madax ka tirsan maamulka Somaliland ayaa ka soo qeyb galay aaska qaran ee loo sameeyay lafahaasi xabaalo wadareedka ah la helay ahaa, waxaana ka mid ahaa madaxdii ka soo qeyb gashay Wasiirada Cadaaladda, Warshadaha, Guddoomiyaha Hargeysa, Guddoomiyaha xafiiska baarista xasuuqa Somaliland iyo madax kale.
Dhammaanba madaxdii iyo mas’uuliyiintii ka soo qeyb galay aaska ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday duqeymihii diyaaradaha dowladii dhexe ee Soomaaliya ay u geysteen shacabka Somaliland.