DAAWO:Guuxa Bulshada Waraysi Xasaasi Ah Oo Ku Saabsan Arinta Shidaalka (OIL) Soomaaliya. (Waxbadan Ogoow).

0

Somalia waxay u gacan gashay Soma Oil and Gas, mantana waxay ku socotaa haddii aan laga gaarin Congo oo yeeshay Cecil John Rhodes iyo Boqorkii Belguin oo iska yeeshay Congo.

A. Cecil John Rhodes oo ahaa arday dhiganayey Oxford University wuxuu ku qabsaday dhulka Zimbabwi iyo Malaawi, uuna u bixiyey his last name, “Rhodesia” khayraadkoodiina keligii iska lahaa. Markuu bakhtiyeyna maalkii uu ka heliya dhulka ugu deeqay Oxford una bixiyey, “Rhodesia Scholarship”, maantana ah Scholarship ka uGu qaalisan aduunka. Dadkii wax ku soo bartay waxaa ka mid ahaa President Clinton.

B. Waxay kale oo ay u ekaan karta Markii Boqorkii Belgium uu qabsaday ,”Congo”, keligiis iska lahaa isaga oo aan weligiis tegin Belgium. Xilligii Berlin Conference (Nov 1884- Feb 1885) laga reebay Africadii la qabinayey loona daayey Boqorka uuna u bixiyey, “Congo Free State”, isaga oo markaa General manager uga dhigay Safiirkii USA u joogay kulanka Berlin Conference sababta oo ah Safirkaas USA baa ku dadaalay in aan Boqorka laga qaadin Congo.

Maanta Somalia khayraadkeeda President Hassan Sheekh wuxuu u saxeeyey Soma Oil and Gas oo ay iska leeyihiin Madax UK ee qabatay Somali Conferen ce London one and London two, iyo nin Russian ah oo u maal geliyey. Madaxwayne Hassan Sheekh waxaa loo ballan qaaday in gursiga lagu ilaaliso sidii, “Mobutu Sese Seko” ee Congo.

Somalia Ayaan hadda ka soo noqday waxaan isku deyey in aan waraysiyo siiyo TV yadda laakiin weriyaasha baa ii sheegay ninkii ka hadla arrima Soma Oil and Gas in gurigiisa lagu tooganayo, ka dibna la dhahayo Shabaab baa toogtay inta nin shabaab ah lacag lasiiyo buu sheeganayaa.

Somalia Konfur iyo Waqoyiba waan tegay, dagaalka lagu hayo Alshabaab waxaa ka wayn ka lugu hayo Weriyaasha si ayn inaba u baahin waxa Somalia ka dhacaya. Degmooyinka Muqdisho iyo dalka oo dhan waxaa lagu siidayey Ciidan Nabadsugid ah oo ka mushahar qaata Somaliya iyo dalal shisheeya ah oo ay ka amar qaataan.

Intii aan Somalia joogay waxaan isku dayey in aan waraysiyo siiyo TV yada laakiin weriyayaasha ayaa ii sheegay in ayn faafin Karin arrinta Soma Oil and Gas, ayna ka baqayaan in latoogto, lana dhaho Shabaab baa toogtay.

Markaan ka soo laabtayna Somalia waxaan go’aansaday in aan sameeyo Hay’ad waxan daba gasha oo aduunka u soo bandhigta, waxaana sameeyey, “Horn of Africa Watch Group”.

Fadlan ka qayb qaata bad baadinta qaranimadii Somalia iyo khayraadkeeda boobka loogu hayo.

Best Regards,

Abdisalam Haji Ismail
Columbus, OH