Ciidamada Dowladda Oo Falaagada Al Shabaab Kala Wareegay Deegaanka Buraa.

0

ciidamada_xooga_dalka_MarkaGarbahaareey (AGGM): Waxaa soo cusboonaaday dhaq dhaqaaqyada Ciidan ee ka taagan qeybo kamid ah Gobolka Gedo, oo ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso, inay ku soo gaba gabeyso Xoogaga Shabaab ee weli ku sugan Gobolka Gedo.

Ciidamada Dowladda ayaa waxay gelinkii dambe ee shalay ay si buuxdo leh, ay ula wareegeen gacan ku heynta Deegaanka Burraa, oo qiyaastii 70km u jirta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Tani ayaa waxay xiisad ku keentay Xoogaga Shabaab ee ka arrimiya Degmada Baardheere, waxayna xalay iyo maanta ay ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo xoog leh.

Al Shabaab oo xalay hawlgalo ka sameysay Degmada Baardheere, ayaa waxay ku soo qab qabatay rag ka tirsanaa oo soo baneeyay faruumaha hore ee dagaalada, iskana joogay Degmada Baardheere.

Degmada Baardheere ayaa waxaa xalay laga jooggi waayay dhawaqa hubka waaweyn, oo ay tijaabinayeen Ciidamada Ururka Al Shabaab, oo iyagu muujinaaya inay diyaar garow ugu jiraan iska caabin ka dhan ah Ciidamada Dowladda, Ahlu Sunna iyo Itoobiya.

Saraakiisha Dowladda oo qaarkood la hadlay Idaacadaha ka hawlgala Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegeen inay u istaageen soo gaba gabeenta Ururka Al Shabaab, ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com