Maxkamad ku taal dalka Ethiopia ayaa ku xukuntay lix sano oo xabsi ah Wasiirkii hore ee Isgaarsiinta Bereket Simon.
Bereket Simon ayaa ahaa Wasiirkii hore ee isgaarsiinta dalka Ethiopia 1995 illaa iyo 2012 xilligii uu madaxda ka ahaa Dalka Ethiopia Meles Zenawi isagoo ahaana gacantii midig ee hogaamiyihii hore ee Ethiopia Zenawi.
Semon oo la xirey sanadkii hore ayaa waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Sanduuq maalgalineed oo la magac baxay TIRET waxana uu madax ka ahaa sanduuqaas illaa iyo sanadkii 2017.
Bereket ayaa lagu helay dambiyo ah musuqmaasuq iyo si xun u maamulid sida uu saxaafada u sheegay afhayeenka maxkamada Tazebachew Tassie.
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa hore ugu dhowaaqay in uu la dagaalami doono musuqmaasuqa waxaana xabsiyada dalka Ethiopia ku jira dad hore madax ugaga soo noqday hay’ado kuwaasoo loo haysto musuqmaasuq iyo wax is dabamarsiin.