Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in xayiraad dhanka socdaalka ah uu kusoo rogay dadka dalkiisa uga imaanaya qaaradda Yurub.
Arrintan ayuu madaxweynaha ku sababeeyay sidii looga gaashaaman lahaa faafidda xanuunka Corona.
Khubad uu si toos ah telefishenada uga jeediyay ayuu ku sheegay in muddo 30 cisha ah la hakiyay dhammaan duulimaadyadii Mareykanka uga iman jiray Yurub.
Xayiraadaas ayuu Trump ku sheegay inay tahay “mid adag balse loo baahan yahay”, wuxuuna intaa raaciyay in aysan ku ekeyn oo keliya dalka Britain oo xanuunka fara ba’an ku hayo, balse dhammaan dalalka kale ee Yurub.
Dalka Mareykanka, 1,135 kiis oo xanuunka corona ayaa la xaqiijiyay, halka 38 qofna ay u dhinteen.
“Si loo joojiyo in kiisas cusub ay dalkeena soo galaan, waxaan hakinay dhammaan duulimaadyada inooga yimaada Yurub,” ayuu yiri Mr Trump.
Xayiraadan ayuu sheegay inay dhaqangeli doonta habeenka jimcaha.
Madaxweyne Trump waxaa dalalka midowga Yurub uu ku eedeeyay “inay ku guul dareysteen inay qaadaan tallaabooyin looga gaashaaman karo xanuunka”, si lamid ah Mareykanka.